Machadka Tababarada Caafimaadka Jubbaland oo soo gabagabeeyay tababar loo qabtay Ardayda Caafimaadka barata

0
117
Kismaayo(Idaacadd Waamo)-Machadka Tababarada Caafimaadka Dowlad Goboleedka Jubbaland ayaa maanta magaalada Kismaayo ee xarunta Gobolka Jubbada hoose ku soo gabagabeeyay Tababar socday muddo labo asbuuc ah oo lagu baranayay Nafaqo darada kaas oo loo qabtay Ardayda Caafimaadka barta ee ku nool Kismaayo .
Aqoon karorsigaan ayaa mudadii uu socday waxaa ardaydii loo qabtay lagu barayay Nafaqa darada ,cudurada ka dhasha iyo sida looga hortagi karo ‘waxaana casharada bixinay Macalimiin wax ka dhiga macadka iyo qaar ka mid ah Jamacadaha magaalada Kismaayo.
Xamdi Maxamed Yaasiin ayaa warbixintaan inooga diyaariyay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here