Macallin Ole Gunnar Solskjaer oo ka hadlay wararka Sergio Aguero la xiriirinaya Kooxda Manchester United

0
347

Kismaayo(Idaacadda Waamo)-Tababare Ole Gunnar Solskjaer ayaa biyo qabow ku shubay fursad waliba oo ay Kooxda Manchester United kula saxiixan karto xagaagan Sergio Aguero.

32-sano jirkaan ayaa soo gabagabeyn doona 10 sano oo xiriir ah oo uu ku sugnaa kooxda ay xafiiltamaan Man United ee Manchester City marka qandaraaskiisu dhammaado bisha June, waxaana la filayaa inuu sii joogo koox kale ee sare oo ka dheesha horyaalka Premier League.

Natiijadaas ayaa ka dhigan in Kooxaha Chelsea iyo Man United labadoodaba la la xiriiriyay inay raacdo ugu jiraan Aguero, laakiin Solskjaer ayaa si adag u beeniyay soo jeedinta ah in Red Devils ay raadineyso inay heshiis la gaarto xiddigan kaasoo ku riyaaqay kooxda ka soo horjeedda.

Isagoo la hadlayey Suxufiyiinta ka hor kulanka ay Man United la leedahay caawa Brighton, Macallin Solskjaer ayaa yiri: “Markii aan u ciyaarayay Man United, haddii koox ay la xafiiltanto isku daydo inay ila saxiixato oo aan aado… waa hagaag aaway daacadnimadii?

“Daacadnimadu waa mid ka mid ah waxyaabaha runtii aad u saarreeyey, ma filayo in ciyaaryahan kasta oo 10 sano u soo ciyaaray koox uu doonayo inuu aado kooxaha ay xafiiltamaan.

“Aniga ima quseyso, waan ogahay inaan nahay xirfadlayaal, laakiin marka aad u ciyaareyso Man United, ma aad doonaysid inaad aaddo Man City, waxaan soo marnay tusaalooyin taas ku saabsan – runtiina kuma raacsani, waan ku guuleystay ‘Ma doonayo inaan magacaabo, laakiin waad wada garanaysaan cida aan ula jeedo’ waana kugu filan tahay”. ayuu hadalkiisa ku soo xiray Ole.

Iyadoo Kooxda Liverpool aan la fileynin inay heshiis la gasho xiddiga beeca xorta ah nqon doona haddana Chelsea ayaa la filayaa inay ku dhowdahay inay la soo wareegto Aguero xilli ciyaareedka 2021-22.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here