Maareyaha guud ee Garoonka diyaaradaha oo Kulan la qaaday Gudigga Shirkadaha Duulimaadyada Kismaayo

0
238
Kismaayo-(Idaacadda Waamo)-Maareyaha guud ee garoonka diyaaradaha sayid maxamed cabdulle Xasan ee magaalada Kismaayo ayaa kulan la qaaday gudigga shirkadaha duulimaadyada Kismaayo.
Kulanka ayaa inta badan waxaa looga hadlay qiimaha lagu raaco diyaaradaha ka baxa magaalada kismaayo oo waayadii dambe ay bulshada cabasho badan ka keentay, taasoo ay sheegeen in ay ka qaalisan yihiin magaalooyinka kale dalka, waxayna sababtay in labo maalin oo xiriir ah aysan imaan diyaaradaha rakaabta dad weynaha magaalada Kismaayo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here