Maareeyaha Hay’adda NIRA oo la kulmay Guddoomiye Ku-xigeenka Midowga Hay’adaha Dalka

0
50

Kismaayo-(Idaacadda Waamo)-Maareeyaha Hay’adda NIRA, Mudane Abdiweli Timacade , ayaa kulan la qaatay Guddoomiye Ku-xigeenka Midowga Hay’adaha Dalka (NGOs Consortium), Mudane Cabdulqaaddir Maxamed Axmed. Maareeyaha ayaa warbixin kooban ka bixiyay dadaallada ay Hay’addu ugu jirto dardargelinta diiwaangelinta dadweynaha, taas oo udub-dhexaad u ah dib u soo kabashada dowladnimadda Soomaaliyeed. Guddoomiye Cabdulqaaddir ayaa dhankiisa ka warbixiyay sida hannaanka aqoonsiga qaranku muhiim ugu yahay dadaallada gargaarka bini’aadannimo ee ay ku hawlan yihiin.

Labada dhinac ayaa isla meel dhigay sidii la isaga kaashan lahaa dardargelinta diiwaangelinta dadka baahida u qaba gargaarka bini’aadannimo, si ay u noqdaan kuwo la aqoonsan yahay oo qayb ka ah Nidaamka Aqoonsiga Qaranka, iyada oo la isla qaatay in lasii wado dadaalada ku aaddan sidii loo heli lahaa hannaan wada-shaqayn iyo iskaashi oo ku aaddan diiwaangelinta dadka gargaarka bini’aadannimo u baahan ee ku dhaqan gobollada dalka, sida barakacayaasha ay saameeyeen dagaallada, fataahadaha iyo masiibooyinka dabiiciga ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here