Kismaayo(Idaacadda Waamo)-Maareeyaha Guud ee Hay’adda Duulista Rayidka Soomaaliyeed, Mudane Axmed Macallin Xasan ayaa warbaahinta Qaranka u sheegay in diyaarad nooca qumaatiga u kaca ayna leeyihiin howlgalka Midowga Afrika ee AUSSOM kana soo kacday deegaanka Baledoogle ay ku dhacday qeybta Afasiyooni ee garoonka diyaaradaha ee magaalada Muqdisho.
Mudane Axmed Macallin Xasan ayaa sheegay in diyaaraddu ay saarnaayeen 8 qof kuwaas oo aan wali la xaqiijin karin xaaladdooda maadaama ay socdaan gurmadyo la xiriira daminta dabka ka kacay diyaaradda ku bur-burtay halkaas, lana ogaan doono sababta keentay soo dhicista diyaaradda.
Maareeyaha ayaa sheegay in shaqada garoonka hadda sidii caadiga aheyd ay ku socoto, balse la xiray ilaa 600 oo mitir oo ah qeybta diraadaha ay ku ordaan xigtana dhanka Afasiyooni, maadaama halkaas ay ku soo dhaceen walxo la xiriira bur-burka diyaaradda.