Kismaayo-(Idaacadda Waamo)-Maareeyaha guud ee garoonka diyaaradaha Sayid Maxamed Cabdille Xassan ee magaalada Kismaayo mudane Cabdulaahi Aadan Maxamuud Jagadoon ayaa kulan xog waraysi ah la qaatay dhamaan shaqaalaha garoonka iyo as’uuliyiinta Shirkadaha Diyaaradaha.
Muhiimada kulankan ayaa waxa uu ahaa mid lagu dar-dar galinayo howlaha shaqo ee ka socda garoonka isla xisaabtan dhanka maamulka ah iyo ka jawaabista cabashooyin dhawaanahan ka imanayeen dhanka shacabka.
Fartuun Nuur Aadan,ayaa warbixintan inooga diyaarisay.