Kismaayo(Waamo Radio)Halkani waa garoonka Caalamiga ah Magalaada kismaayo Waxaa Maalinba Maalinka ka dambaysa soo kordhaya Horu Marka iyo Nidaamka Dowladeed ee Jubbaland Kaas oo sababay in manta Kasoo dagto diyaarad casri ah oo jed ah Tan iyo Burburki Dowladii dhexe ee dalka.
Shirkadan cususb oo lagu magacaabo Welya air ayaa waxa ay maanta si Rasmi ah uga Bilaawday magaalada kismaayo duulimaadka diyaaradaan casrga ah waxa ayna ka Hawl gashaa Meelo kooban oo Magaalooyinka dalka ka mid ah sida uu sheegay madaxa Hawl galka shirkada Welya air
Cali xasan cabdi Madax Guduud waa madaxa hawlgalka shirka WELYA AIR waxaa uu sheegay in markii ugu Horaysay ay tahay Diyaarad noocan oo kale ah ay kasoo dagto magaalada kismaayo Tan iyo burburkii Dowladii dhexe waxa uuna sharaxaad ka bixiyay Diyaaradan cusub iyo qaabka ay u shaqayn doonto shirkadan.
Miyir Yuusuf Kilaas oo ku hadlay afka shirkadaha ka hawl gala Magalaada kismaayo waxaa uu intaas ku daray in ay soo dhawaynayaa cidkasta oo Horu mar dalka kusoo kordhinaysa
Ugu dambayntii Maareeyaha Airpot ka Magaalada kismaayo Cabdulaahi Aadan Maxamuud ayaa ka waramay sababta keentay in manta ay kasoo dagto kismaayo Diyaarad nooca Jedka ah waxa uuna sheegay dadaalka maamulka garoonku iyo Kan dowlada Jubbaland in ay ku timid in guul nuucaan oo kala ah lagaaro.
Halkan Hoose Ka Dhageyso:-