Maanta oo dunida laga xusayo Maalinta caalamiga ah ee magaalooyinka Adduunka

0
82
Kismaayo(Idaacadda Waamo)-Maalinta Magaalooyinka Adduunka waa maalin xuska Qaramada Midoobay oo sannad walba la qabto 31ka Oktoobar, oo markii ugu horreysay la qabtay 2014, waxaa soo qabanqaabisay Hay`adda Qaramada Midoobay u Qaabilsan dejinta Aadanaha (UN-Habitat) iyada oo la kaashanaysa magaalada martida loo yahay ee la doortay sannad kasta
.
Maalinta Magaalooyinka Adduunka waxaa la aasaasay 27kii Diseembar 2013 Golaha Guud ee Qaramada Midoobay qaraarkiisa A/RES/68/239, kaas oo Golaha Guud “go’aansado in 31 Oktoobar, laga bilaabo 2014, loo aqoonsado Maalinta Magaalooyinka Adduunka.
waxay ku martiqaadaysaa Dawladaha, nidaamka Qaramada Midoobay, gaar ahaan UN-Habitat, hay`adaha caalamiga ah ee ay khusayso, bulshada rayidka ah iyo dhammaan dadka ay khusayso si ay u dhawraan oo kor loogu qaado wacyiga Maalinta&;Maalinta ugu horreysa ee magaalooyinka adduunka ayaa la qabtay Oktoobar 2014.
Juweeriya Xasan Axmed ayaa warbixintaan inooga diyaarisay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here