Kismaayo(Idaacadda Waamo)-magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada hoose waxaa ku yaala ilaa shan xarumood ku waas oo ka shaqeeya beerista dhirta noocyadeeda kala duwan .
Xarunta dhiraaynta Iftin oo la aas aasay 2015 ayaa ka mid xarumaha ka shaqeeya beerista dhirta oo ka kooban saddix qaybood oo kala ah dhirta la harsado ,dhirta loo yaqaano geed miroodka iyo dhirata lagu qurxiyo hareeraha wadooyinka ,guryaha iyo goobaha kale ee muhiimka ah ee inta badan ay bulshadu isugu yimaadaan ‘dhirtaan ayaa waxaa iibsada qaybaha kala duwan ee bulshada iyagoona ku iibsada qiimo kala duwan .
Xamdi Maxamed Yaasiin ayaa warbixintaan inooga diyaarisay.