Maamulka Premier League oo ka walaacsan inay xiddigaha horyaalka ka ciyaara ay diideen ka qayb qaadashada ole’olaha talaalka Korona

0
201

England(Idaacadda Waamo)-Xiddigaha ugu waaweyn horyaalka Premier League ayaa diiday inay ka qayb qaataan ole’olaha loogu dhiirro gelinayo ciyaartoyda kale ee horyaalka ka ciyaarta inay qaataan talaalka kahortagga xanuunka Korona Fayras.

Majaladda Sportsmail ayaa ogaatay in celceliska ciyaartoyda qaadanaya talaalka uu aad u yaraaday toddobaadyadii lasoo dhaafay, taasoo ay saldhig u tahay dhiirro gelin la’aanta xiddigaha waaweyn.

Maamulka horyaalka Ingiriiska ayaa ka walaacsan inaysan xiddigaha ugu waaweyn ee ka ciyaara Premier League diyaar u ahayn ka qayb qaadashada muuqaallada buun-buunita talaalka si ay ciyaartoyda kale u qaataan.

Dhinaca kale, macallinka xulka qaranka England ee Gareth Southgate oo muuqaal uu ku matalayo hay’adda NHS usoo duubay bulshada Ingiriiska isagoo usoo jeedinaya inay qaataan talaalka ayaa sheegay inuu kala kulmay aflgaaddo badan muuqaalkaas, sidoo kalena ereyada uu kala kulmay ay ka badanyihiin kuwii uu kala kulmay go’aankii uu ku xushay rigoore tuureyaashiisa ciyaartii fiinaalka EURO 2020 markaas oo uu guuldarro kala kulmay xulka Taliyaaniga.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here