Maamulka Premier League oo Joojinaya Isticmaalka VAR.

0
52

Kismaayo-(Idaacadda Waamo)-Horyaalka waddanka Ingiriiska ee Premier League ayaa joojinaya isticmaalka aaladda muuqaalka ah ku caawisa garsooreyaasha ee loo yaqaano ‘VAR’ kaddib cabashooyin badan oo kasoo yeedhay kooxaha horyaalka Premier League oo siyaabo kala duwan uga hor yimid.

Shirka kooxaha horyaalka Premier League ee toddobaadka dambe la qaban doono ayaa waxa la horkeeni doonaa qaraarka meesha lagaga saarayo isticmaalka VAR.

Kooxda kubadda cagta Wolves ayaa hore u gudbisay warqad cabasho rasmi ah oo taageero weyn ka heshay kooxaha kale ee horyaalka Premeir League.

Sida uu qoray wargeyska The Athletic, kooxaha Premier League ayaa waxa ay shirweyne yeelan doonaan marka ay taariikhdu tahay June 6. waxaana lasoo hordhigi doonaa oo ajandeyaashooda ku jira in isbeddel lagu sameeyo sharciga oo VAR meesha laga saaro.

14 ka mid ah 20ka kooxood ee uu ka kooban yahay horyaalka Premier League ayaa isku dhaarsaday in ay u codeeyaan in meesha laga saaro sharciga VAR oo kooxaha qaarkood ka dafirtay guulo gacantooda ku jiray halka ciyaartooyo muhiim u ahaana ay sababtay in casaan la siiyo.

Arrintan ayaa waxa ay dib usoo celinaysaa awooddii garsooraha dhexe ee go’aamadiisu aanay ahayn kuwa kama dambaysta ah balse ay beddeli karaysay VAR.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here