Kismaayo-(Idaacadda Waamo)-Kismaayo Forex Academy ayaa dhawaan laga hiliyay magaalada Kismaayo, waana Academy lagu baran doono xirfaha suuqyada Online-ka gaar ahaan xirfada suuqyada Online-ka ee Forex.
Kismaayo Forex Academy ayaa qaadatay ardaydii ugu horeysay waxaana hada ay marayaan leebalka sadexaad, Maamulaha Kismaayo Forex Academy Ustaad Abshir Shariif Xassan ayaa sheegay in hadda macadka uu qaadan doono arday cusub oo la bari doono xirfadaha suuqyada Online-ka gaar ahaan Forex.
Awke Ali Awil ayaa warbixintaan inooga diyaariyay.