Kismaayo(Idaacadda Waamo)-Duleedka magaalada Kismaayo ee Xarunta Gobalka Jubbada hoose ayaa lagu gubay 120 kiish oo bur ah kaas oo tayadiisu xumaatay lana soo galiyey gudaha magaalada.
Burka ayaa markuu yimid dekada magaalada Kismaayo waxa uu maray haraacayada ay hayadu mariso badeecooyinka kaso dagaya dekada, isla markaana uu ahaa bur maray baaritaan sax ah hase ahaatee uu ku halaabay gudaha bakhaaro lagu kaydiyay oo aan ku haboonayn.
Juweeriya Xasan Axmed ayaa warbixintaan inooga diyaarisay.