Maamulka Haweenka Gobalka Jubada hoose oo baaq u diray Dowladda dhexe iyo Dowlad Goboleedyada

0
246

Kismaayo(Isaacadda Waamo)-Haweenka Soomaaliyeed waxay  ka qayb qaataan gudbinta fariimaha wacyigalinta bulshada iyo nabadeeynta,sidoo kale waxaay doorkoda ka qataan xallinta khilaafyada ka dhex dhaca bulshada.

Haweenka Kismaayo ku nool ayaa waxay kaalintooda ka qataan xallinta khilaafadka waxaana jira 60 Haween ah oo ay horay Wasaaradda Caddaalada  Jubbaland  ugu tababartay sida loo xaliyo khilaafaadka .

Gudoomiyaha Haweenka gobolka Jubbada hoose Faadumo Aadan Kateella oo ka mid aheyd 60 dumar ah ee ay wasaaraddu u tababartay sida loo xalliyo hadii uu khilaaf yimaado ayaa Idaacada waamo u sheegtay  in Haweenku ay leeyihiin xaafiis u gaar ah oo ay ku xaliyaan khilaafyada bulshada ka dhex dhaca.

Xamdi Maxammed Yaasiin ayaa warbixintaan inooga diyaarisay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here