Maamulka Gobolka Banaadir oo Joojiyay Bixinta ruqsadaha Shirkadaha Forex Market Trading

0
332

Muqdisho-(Idaacadda Waamo)-Duqa Muqdisho ahna Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Mudane Cumar Maxamuud Maxamed (Filish) ayaa soo saaray Wareegto lagu mamnuucay bixinta ruqsadaha Shirkadaha ka ganacsada sarifka lacagaha qalaad ee Forex Market Trading.

Guddoomiye, Cumar Filish ayaa sheegay in isagoo tixraacaya warqaddii horey uga soo baxday Guddoomiyaha Bangiga dhexe ee Soomaaliya ee ku addanayd ruqsad siinta shirkadaha ka shaqeeya sarifka lacagaha qalaad, in la joojiyay bixinta ruqsadihii ay uga howlgalayeen Caasimadda Muqdisho.

Duqa Muqdisho ayaa wareegtada ku xusay in ruqsadihii ay horey u bixisay Dawladda Hoose ee Xamar ee la siiyay shirkadaha bixiya adeegga sarifka lacagaha qalaad ee Forex Market Tranding go’aan laga gaari doono.

Mudane; Cumar Maxamed Maxamuud ayaa sheegay in ciddii amarkan jabisa ama u hoggaansami weysa laga qaadi dona tallaabo sharci ah.

Halkan ka aqriso wareegtada:-

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here