Maamulka gobolka Banaadir oo dardar gelinaya soo celinta bilicda caasimadda.

0
346

Muqdisho(Idaacadda Waamo)Guddoomiyaha Gobalka Banaadir ahna duqa Caasimadda Cumar Maxamuud Maxamed (Cumar Filish ) ayaa sheegay in waddooyinka magaalada muqdisho laga xareynayo xoolaha kala duwan ee dhex socda,kuwaas oo dhibaatooyin kala duwan lagu qabo.

Guddoomiyaha waxa uu shegay in xero lagu magacaabo baadi qabad oo hadda  Dhismo lagu wado loogu talagalay in lagu xareeyo xoolaha wadooyinka caasimadda dhex socda ee dadkii lahaa xanaaneysan waayeen in lagu xareeyn doono.

Wuxuu intaasi ku daray hadalkiisa Guddoomiyaha in hadii dhismaha xaruntaasi oo ku taala meel u dhaw kawaan bari la dhamaystiro ay digniin u diri doonaan dadka leh xoolahaasi hadii ay xanaaneysan waayaane laga xarayn doono si ay u soo hagaagto bilicda caasimadda.

Maamulka gobolka Banaadir ayaa dardar gelinaya hagaajinta bilicda iy o amniga caasimadda,waxaana dadaaladaas qeyb ka ah Shacabka gobolka Banaadir.

Hoos ka dhagayso Codka Guddoomiyaha Gobalka Banaadir ahna duqa Caasimadda Cumar Maxamuud Maxamed (Cumar Filish )

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here