Maamulka Gobalka Banaadir oo xariga ka jaray mashruuc uu fulinayo MyBank

0
340

Muqdisho(Idaacadda Waamo)-MyBank oo ka mid ah Bangiyada ugu waaweeyn ee Dalka oo kaashanaya Maamulka gobolka Banaadir ayaa maanta Xariga ka jaray mashruuc lagu Dayactirayo Labada Buundo ee ku kala yaallo Degmooyinka Waabari iyo Xamar jabjab

Guddoomiyaha MyBank Abdirizak Mohamed Ahmed oo ka hadlayay Xarig jarka Mashruucaan ayaa sheegay in MyBank uu diyaar u yahay ka qayb qaadashada horumarunta dalka iyo dadka , bangigana uu ka yimid bulshada , una yimid.
dahnka kale Guddoomiye ku xigeenka Howlaha Guud ee maamulka gobolka banaadir Farah abdi Dini ayaa ku ammaanay My Bank kaalinta weey uu ka qaadanayo didbu dayac tirka goobaha muhiimka ah sida labadan buundo oo uu sheegay in bilacda Magaalada wax weeyn ay ku soo kordhineeyso.
Ugu dambeeyn waxaa goobta ka hadlay  munaasabadda Xariga looga jarayay mashruucaan Dayactirka Buundooyinka Waabari iyo Xamarjajab Guddoomiyaha gobolka banaadir ahna Duqa Muqdisho Cumar filish oo sheegay in maamulka uu kaga mahadcelinayo madaxda MyBank kaalinta horumarineed ee ay ka qaadanayaan Dalka.
Cabdiraxiin Deeq Muuse ayaa warbixintaan inooga diyaariyay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here