Kismaayo(Idaacadda Waamo)-Garoonka Diyaaradaha Magaalada Kismaayo Ee Sayar Maxamed Cabdulle Xasan ayaa lagu soo kordhiyay dhismaha labo qaybood oo muhiim ah kuwaas oo kala ah qaybta VIP ee loogu talagalay Madaxda iyo qayb kale oo loogu talagalay in bulshada loogu adeego.
Dhimayaashan cusub ee garoonka lagu soo kordhiyay ayaa waxaa dhistay Wasaaradda Maaliyada iyo horumarinta Dhaqaalaha Jubbaland oo kaashanaysa Hay’aadaha Caalamiga ah ee Jubbaland ka tageeraha horumarinta adeegyada bulshada.
Xamdi Maxamed Yaasiin ayaa warbixintaan inooga diyaarisay.