Maamulka Degmada Kismaayo oo sheegay in Suuqa Kalluunka la ballaarinayo 

0
192

Kismaayo-(Idaacadda Waamo)-Bartamaha sanaadkan ayay ahayd markii  Magaalada Kismaayo ee xarunta Gobolka Jubbada hoose laga hirgaliyay Suuq wayn oo Caalami  oo ka kooban dhowr qaybood kaas oo loogu tala galay inay ku ganacsadaan Kalluumaysatada,dadka qudaarta iibiya iyo kuwa leh ganacsiyada kale ee yar-yar .

In kastoo suuqa hada si habsami leh loogu ganacsado hadana waxaa jira meelo suuqa ka mid ah oo dadkii la siiyay aysan wali wax ganacsi ah ka furan.Gudoomiyaha degamada Kismaayo oo suuqa kormeer indha indhayn ah ku sameeyay ayaa dadka  goobaha ganacsi ee suuqa ka mid ah ay wali u xiranyihiin ugu baaqay in sida ugu dhaqsiya badan gobahaas ku furtaan oo ay ku ganacsadaan.

 

Xamdi Maxamed Yaasiin,ayaa warbixintaan inooga diyaarisay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here