Kismaayo(Idaacadda Waamo)-Deegaanada iyo degmooyinka Jubbaland waxaa ka socda diyaar-garow iyo dadaallo lagu dhisayo golayaasha deegaanka si maamulka loo daadejiyo loona siiyo bulshada fursad ay ku doortaan hoggaanka golaha deegaanka.
Guddoomiyaha degmada Kismaayo ahna duqa magaalada, Cumar Cabdullaahi Maxamed (Faraweyne), oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in ay la shaqeynayaan cid kasta oo ka shaqeynaysa dhismaha golaha deegaanka, islamarkaana ay diyaar u yihiin in la dedejiyo maamulka.
Mowliid Abdi Kulmiye ayaa warbixintaan inooga diyaariyay.