Maamulka Degmada Kismaayo oo bilaabay Olole qashinka looga qaadayo Xeebaha Magaalada Kismaayo.

0
656

Kismaayo(Idaacada Waamo)Maamulka degmada Kismaayo oo kaashanaya Haweenka gobalka Jubada hoose ayaa xeebta calanleey ka bilaabay Olole qashinka looga qaadayo,islamarkaasina lagu soo celinayo bilicda xeebaha Kismaayo,gaar ahaan Calanleey.

Qaar ka mid ah Haweenkii ka qeyb qaadanaya Ololaha bilicda lagu soo celinayo ayaa ka hadlay muhiimada ay leedahay in la nadiifiyo xeebaha laguna soo celiyo bilicda.
Dhinaca kale Gudoomiyaha degmada Kismaayo Ibraahim Yuusuf Maxamed Tima jilic ayaa digniin u diray dadka qashinka ku shuba xeebaha,wuxuuna sheegay tallaabo laga qaadi doono cidii lagu arko.
Ololahan ayaa socon doono mudo 5,cesho ah,waxaana looga golleeyahay in qurxiyo bilicda xeebaha Kismaayo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here