Maamulka Degmada Kismaayo oo amar kaa soo saaray jarista dhirta hareeraha Waddooyinka

0
254

Kismaayo(Idaacadda Waamo)-Maamulka degmada kismaayo ayaa ka hadlay dhirta sida sharci darrada ah looga jaro  gudaha magaalada,Waddooyinka hal-bowlaha u ah magaalada  kismaayo waxaa ku yaallo geedo waaweyn oo ka qeyb qaata bilicda magaalada,

duqa degmada Kismaayo Ibraahim Maxamed Yuusuf ayaa bulshada  ugu baaqay in ay san jari Karin dhirta iyadoo aan maamulka lagu soo wargalin , cidii ku dhiiratana jarista dhirta uu maamulka tallaaba sharci ah ka qaadi doono, sida uu sheegay gudoomiyaha.

Fartuun Nuur Aadan ayaa warbixintaan inooga diyaarisay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here