Kismaayo(Idaacadda Waamo)-Gudoomiyaha Degmada Dhobley Xassan Abdi Xaashi ayaa baaq u diray Hay’adaha samafalka ee ka howl gala Degmada Dhoobley iyo Deeganada hoos yimaada.
Gudoomiyaha Degmada Dhobley ayaa sheegay in ay jirto saameyn ba`an oo dhanka biyaha ah qaar kamid ah deegaanada hoos yimaada degmada Dhoobley, isagoo Hay`addaha Samafalka ugu baaqay gurmad deg-dega ah iyo waxqabashada xaaladaha taagan.
Awke Ali Awil ayaa warbixintaan inooga diyaariyay.