Kismaayo(Idaacadda Waamo)-Degmada Badhaadhe ee Gobolka Jubbada hoose waxaa ay ka mid tahay degmooyinka Jubbaland ee ay dib ugu soo laabteen dadkii ka soo laabtay xeryaha qaxootiga Dhadhaab ee dalka Kenya.
Yuusuf Maxamed Ibraahim koneen Gudoomiye ku xigeenka degmada Badhaadhe ee Gobolka Jubbada Hoose oo ka warbixinayay xaaladda guud ee degmada ayaa sheegay in dad badan oo qaxooti ku ahaa dalka Kenya markoodii horana ka qaxay degmada iyo deegaanada hoos taga ay dib ugu soo laabteen meelihii ay ka qaxeen oo ay ka mid tahay degmada Badhaadhe.
Xamdi Maxamed Yaasiin ayaa warbixintaan inooga diyaarisay.