Kismaayo-(Idaacadda Waamo)-Dadka dagan xaafadda midnimo oo isugu jira dadkii ka soo laabtay xaqootiga dalka Kenya iyo kuwo ku barakacay gudaha dalka ayaa waxa ay dhibaato ku qabeen helida biyaha,waxaa ayna dhowr jeer cabasho ka muujiyeen biyo la’aanta xaafadda ka jirta.
Gudoomiyaha maamulka dagmada kismaayo Ibraahim Yuusuf Maxamed Tima jilic iyo Wasaaradda Biyaha Jubbaland oo ka Jawaabaya baahida biyo la,aaned ee ka jirta xaafada midnimo ayaa maanta xariga ka jaray Haamo biyaha loogu shubayo dadka dagan xaafada midnimo.