Maamulka Dagmada Kismaayo oo dayactir Ku sameynaya qaybo ka mid ah wadooyinka Magaalada

0
338

Kismaayo-(idaacadda Waamo)-Guddoomiyaha Dagmada kismaayo Ibraahim Maxamed Yuusf (Tima jilic) ayaa waxa uu faah faahin ka bixiyey Hawlo Caro buuxin ah oo uu Maamulka Ka wado qaar kamid ah wadooyinka waaweyn ee magaalada kismaayo.

Waddooyinkaan uu maamulka dagmo kismaayo dayactirka ku sameenaayo ayaa waayadii dambe waxay ahaayeen kuwo burbursan oo biyo fariisin ah xili roobaadka.

Guddoomiyha Dagmada kismaayo Ibraahim Maxamed Yusuf (Tima jilic) ayaa waxa uu shacabka kula dar-daarmay iney ka qeybqaataan howlahan ay dowladda hoose wado ee dib loogu soo celinaayo bilicda Dagmada kismaayo.

Cawke Cali Cawil,ayaa warbixintan inooga diyaariyay.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here