Kismaayo (Idaacadda Waamo)Aaladaha Baraha Bulshada ayaa waxaa inta badan isticmaala dhalinyrada gaar ahaan Ardeyda wax ka barta goobaha kale duwan ee Waxbarshada,Ardeyda dhigata Iskuulaadka ee saqda dhex ku gaaro isticmaalka Baraha Bulshada ayaa sameeyn badan ka dhaxla,taasoo sababta in mararka qaar ay macalimiintooda la dagaalaan ama ay isaga baxaan waxbarashadood.
Maamulaha Iskuulka Ganaani Kaaflo Acadmey Maxammed Xirsi Cabdullaahi ayaa Idaacadda Waamo uga warbixiyay saameeynta uu Ardayda ku yeeshay isticmaalka Baraha Bulshada isgoonna Walidiinta ugu digay in ay xilliyada Habeenkii ay caruurta ay ka ilaliyaan isticmaalka Teleefanadda gacanta.
Abdinoor Samriye ayaa warbixintaan inooga diyaariyay.