Maalinta Xorriyadda Saxaafadda Oo Caalamka Laga Xusayo

0
92

Kismaayo(Idaacadda Waamo)-Maalinta Xorriyadda Saxaafadda Adduunka waxaa la xusaa 3-da May sanad walba si loo muujiyo muhiimadda saxafadda madax-bannaan iyo in la difaaco xuquuqda saxafiyiinta. Sanadkan 2025, hal-ku-dhigga waa:
“Xorriyadda Saxaafadda: Xogta iyo Runta waa Badbaado Qaranka.”

Warbaahinta adduunka waxay wajahaysaa caqabado isbeddelaya sida cabsi gelin, faafinta warar been ah, iyo xadgudubyo dhanka tiknoolajiyadda. Soomaaliya, saxafiyiintu waxay weli la kulmaan dhibaatooyin amni iyo cadaadis, inkasta oo ay jiraan dadaallo horumarineed.
Maalintan waxay fursad u tahay in la xuso halganka saxafiyiinta, loona ololeeyo warbaahin xor ah, daacad ah, kana turjumeysa danta bulshada.

Qaar ka mid ah wariyeyaasha ka howlgala magaalada Kismaayo ayaa waxa ay ka warbixiyeen ahmiyadda ay maalinta oo kale u leedahay wariyeyaasha Soomaaliyeed.

Guddoomiyaha ururka Saxafiyiinta Haweenka Degmada Kismaayo, Najmo Cusmaan Yuusuf, iyo agaasime ku xigeenka idaacadda Radio Kismaayo, Cabdullaahi Axmed Xusni, ayaa waxa ay siyaabo kala duwan uga hadleen qiimaha ay maanta u leedahay wariyeyaasha Soomaaliyeed.

Faarax Sahal Cumar, isku-duwaha guud ee Wasaaradda Warfaafinta Dowlad-goboleedka Jubbaland ee gobolka Jubbada Hoose, ayaa waxaan wax ka weydiinay sida ay uga qeyb qaataan xorriyadda qolalka saxaafadda.

Abdinoor Samriye ayaa warbixintaan inooga diyaariyay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here