Maalinta Radiyaha aduunka oo dunida laga xusayo maanta

0
529

Kismaayo (Idaacada Waamo)Maanta oo kale sannad waliba waxaa dunida oo dhan laga xusaa maalinta raadiyaha, 13 February  waa maalinta Raadiyaha adduunka, Waa maalin ay dunida xusto sida raadiyaha uga qeyb qaato horumarinta Bulshada,Wax barista dadka, War sheegista iyo Madadaalintooda.

Maalinta Raadiyaha waxaa la qabtaa sanadkiiba mar, Qaramada Midoobey oo maalintan u asteeysay ama ugu talo-gashay in la dhiirigeliyo ahmiyadda Raadiyaha.
Guglielmo Marconi oo ah aabaha iyo qofkii sameeyay raadiyaha ayaa ku guuleystay muddo kooban 1901-dii, maalintaa wixii ka dambeeyay waxaa uu sameeyay mowjado meel dheer laga maqlo isagoo arrinkaas ku helay1909-kii abaalmarinta Nobel-ka dhanka Physics-ka, ugu dambeyntiina Marconi oo nin talyaani ahaa 1910-dii waxaa qalabkiisa loo bixiyay magaca Radio.

Soomaaliya waxaa uu raadiyaha soo gaaray 1943-dii, xilligaas oo markii ugu horeysay la maqlay radio Hargeisa, radio Muqdishu ayaa xigay 1951-dii, dalkeena ayaa xilligaas ku jirtay gacanta gumeystaha Ingiriiska iyo Talyaaniga.

Raadiyaha waa isha koobaad ee wararka, gaar ahaan dadka reer miyiga ah iyo bulshadeena oo lagu tiriyo bulsho maqalka ku tiirsan, waxaa dalka ka jira FM-yo dadka si aad ah u dhageystaan, saameyn ma leeyihiin waa arrin maalin kale in laga hadlo u baahan.

Iidle Aadan Maxamed,ayaa warbixintan inooga diyaariyay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here