Maalinta Ka hortagga shaqaaleysiinta Carruurta oo Kismaayo laga xusay

0
21
Kismaayo-(Idaacadda Waamo)-Maalinta Caalamiga ah ee Ka-hortagga Shaqaysiga Carruurta waxaa markii ugu horreysay la aasaasay sannadkii 2002-dii Ururka Shaqaalaha Adduunka (ILO) si loogu soo jeediyo dareenka joogtada ah ee ku saabsan shaqada carruurta iyo in dib loo eego xeeladahayada lagu
ciribtirikarayo.
Golaha loo dhan yahay ee Qaramada Midoobay ayaa isaga oo qiraya baaxadda shaqaalaynta carruurta, waxa uu si wada jir ah u meel mariyey qaraar sheegaya in 2021 uu yahay sannadka caalamiga ah ee ciribtirka shaqada carruurta, waxana uu ILO ka codsaday in ay hormuud ka noqoto dhaqangelintiisa.
Maalintani waxay isu keentaa dawladaha, maamulada maxalliga ah, bulshada rayidka ah iyo kuwa caalamiga ah, shaqaalaha iyo ururada loo shaqeeyaha si ay u tilmaamaan dhibaatada ama uqeexo tilmaamaha si loo caawiyo carruurta shaqeeya.
Juweeriya Xasan Axmed ayaa warbixintaan inooga diyaarisay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here