Maalinta Gabdhaha da’yarta ah oo Adduunka laga xusayo

0
353
Kismaayo-(Idaacadda Waamo)-Horumarka gabdhaha qaangaarka ah lama jaanqaadin xaqiiqooyinka ay maanta nusqaamiyeen ,Sannadkan,waxaa uu yahay  halkudhigga Maalintaan”Codkayga, waa Mustaqbalkeenna oo aan u Simanahay.
Sannadkii 1995 shirkii adduunka ee haweenka ee waddammada Beijing ayaa si aqlabiyad leh ku meel mariyey Baaqa Beijing iyo Madal loogu talagalay Waxqabadka – naqshadda ugu horumarsan abid ee lagu horumarinayo xuquuqda .
Bishii Diseembar 19, 2011, Golaha Guud ee Qaramada Midoobay waxaa ay u soo saaray qaraar ay ku muujineeso 11 oktoobar inay tahay Maalinta Caalamiga ee Gabdhaha,si loo aqoonsado xuquuqda gabdhaha iyo caqabadaha gaarka ah ee gabdhaha ay adduunka kala kulmaan.
Maalinta Caalamiga ah ee Gabdhaha waxay diirada saareysaa baahida loo qabo in wax laga qabto caqabadaha gabdhaha soo food saara isla markaana kor loo qaado awoodsiinta gabdhaha iyo fulinta xuquuqdooda aadanaha.
Gabdhaha qaangaarka ah waxay xaq u leeyihiiin in ay helaan waxbarasho nolol caafimaad leh,  si loohormariyo yoloka foge ee hormarinta  gabdhaha qaangaarka ah , maahan oo keliya inta lagu guda jiro sannadahaan adag ee aasaasiga ah, laakiin sidooba gabdhuhu waxay awood u leeyihiin inay wax kabeddalaan adduunka.
Sinnaanta Jiilka ayaa sidoo kale la bilaabmay horaantii 2020 kadib-sannado badan, oo olole badan ay sameyeen adduunka  iyo dhaqdhaqaaq loogu talagalay tallaabo geesinimo leh oo ku saabsan sinnaanta jinsiga.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here