Maalinta Dhimista Khatarta Musiibooyinka oo Adduunka laga xusay maanta

0
262

Kismaayo-(Idaacadda Waamo)-13 bisha 10 sanad walba waxaa laga xusaa caalamka Maalinta dhimista khataraha masiibooyinka.

Sanadkan dalkeena soomaaliya waxaa ka dhacay musiibooyin ay ka mid tahay abaaraha,fataahadaha wabiyada dalka iyo Ayaxa ku habsaday beeraha kaas oo qasaaro ba’an u geystay beeraleyda soomaaliyeed sidoo kale waxaa qeyb ka ah xanuunka Covid-19 oo ka dilacay dunida.

Xanuunka karoona ayaa waxaa dabayaaqadii sanadkii tagay 2019 kiiskisa ugu horeysay laga helay magaalo ku taalo dalka shiina intaa waxa ka dambeyey waxa uu ku faafay dalal badan oo dalkeena soomaaliya uu ka mid yahay xanuunkan ayaa saameeyn dhaqaale oo xoog leh u geystay wadamada caalamka.

 Wasaaradda Caafimaadka XFS ayaa si rasmi ah u shaacisay in xanuunka uu dalka soo gaaray waxaana taas ka dhalatay saameeyn dhaqaale.

Fartuun Nuur Aadan,ayaa warbixintan inooga diyarisay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here