Kismaayo(Idaacadda Waamo)-Dhageystayaal qiimo badan, ku soo dhowaada barnaamijkeenna maanta oo aan ku xusno Maalinta Caalamiga ah ee Waayeelka, oo sanad kasta lagu qabto 1-da October. Maalintaan waxaa loo asteeyay in lagu xuso kaalinta waayeelku ku leeyihiin bulshada, loona muujiyo baahida loo qabo in la dhowro xuquuqdooda iyo sharafkooda.
Qaramada Midoobay ayaa 1990-kii u aqoonsatay maalintaan in waayeelka lagu sharfayo, laguna wacyigelinayo bulshada oo dhan in waayeelku yihiin hanti iyo khibrad aan la ilaawi karin.
Dunida maanta waxaa ku nool in ka badan 800 milyan oo qof oo waayeel ah, waxaana la filayaa tiradoodu in ay laban laabanto sanadaha soo socda. Soomaaliya gudaheeda, waayeelku waa laf dhabarta dhaqanka iyo nabadaynta, iyaga oo ah odoyaasha dhaqanka, culimada iyo hooyooyinka bulshada hoggaamiya.
Hase yeeshee, caqabado badan ayaa haysta waayeelka, sida caafimaad liita, daryeel la’aan iyo in mararka qaar aan xuquuqdooda la tixgalin. Waxaa lagama maarmaan ah in bulshada
Soomaaliyeed iyo dowladuba ay si wadajir ah ugu istaagaan ilaalinta waayeelka.
Dhageeyste Aan ku xusuusino in waayeelku yihiin kayd aqoon iyo khibrad aan la bedeli karin.
Haddaba, aynu si sharaf leh ugu daryeelno, taladoodana aan ka faa’iidaysanno.
Bulshada Soomaaliyeed waxa looga baahan yahay inay si dhab ah uga qayb qaadato
daryeelka iyo maamuuska waayeelka, sababtoo ah waayeelku waa tiir-dhexaadka
dhaqanka iyo diinta. Waxyaabaha ugu muhiimsan ee ay tahay in bulshada
Soomaaliyeed sameyso.
Haddaba, bulshada Soomaaliyeed waxaa looga baahan yahay:
Inay ixtiraamaan waayeelka,
Inay daryeelaan caafimaadkooda iyo nolol maalmeedkooda,
Inay ka qayb geliyaan go’aamada bulshada,
14-kii Diseembar 1990, Golaha Guud ee Qaramada Midoobay ayaa u codeeyay in la aasaaso 1- da Oktoobar oo loo aqoonsado Maalinta Caalamiga ah ee Waayeelka, sida lagu
diiwaangeliyey Qaraarka 45/106.
Maalintaasi markii ugu horreysay waxaa loo dabaal-degay 1-da Oktoobar 1991, Xuska maalintan waxaa xoogga la saaraa ururrada la shaqeeya waayeelka iyo Barnaamijka Qaramada Midoobay ee La-xiriira Waayeelnimada.
Sannad kasta 1-da Oktoobar, dadka dunida dacalladeeda ku nool waxay u dabaal-degaan
Maalinta Caalamiga ah ee Waayeelka ee Qaramada Midoobay, si loo wacyigeliyo fursadaha
iyo caqabadaha ay la kulmaan bulshada sii gabowday, isla markaana loo kiciyo bulshada inteeda kale si ay uga jawaabaan baatooyinka waayelka heysta.
Mowliid Abdi Kulmiye ayaa warbixintaan inooga diyaariyay.