Maalinta Caalamiga ah ee Waalidka oo Maanta Adduunka Laga xusayo

0
12

Kismaayo(Idaacadda Waamo)-Xuska Maalinta Caalamiga ah ee Waalidka, oo loo dabaaldego 1-da Juun sanad kasta Waa maalin ay Qaramada Midoobay ku dhawaaqday sanadkii 2012, si dunidu u qirto una qadariyo kaalinta muhiimka ah ee waalidiintu ka qaataan nolosha ubadka,bulshada, iyo horumarka jiilka cusub.

Maalintan waxay inoo xusuusinaysaa waalidiinta oo ah tiirarka ugu adag ee nolosha qoyska Ku waas oo na barbaariyay, na hagay, na difaacay.
Qaramada Midoobay waxay leedahay: “Waalidiintu waa tiir-dhexaadka horumarka bulshada.”Waalidiintu waxay carruurta siiyaan jacayl, hagitaan, iyo akhlaaq, taasoo aasaas u ah.

Waalidka Soomaaliyeed waa tiirka qoyska iyo bulshada Iyaga ayaa inta badan mas;uul ka ah korinta ubadka, ilaalinta dhaqanka, iyo xajinta qiyamka Islaamka.

Waalidka Soomaaliyeed waa ilayska nolosha qoyska, isagaana u taagan macallin, ilaaliye, hagayaal iyo mararka qaar buuxiya doorkii dawladdu ka gaabi lahayd.

Hooyadu waa udub-dhexaadka nolosha qoyska; waxay qaadaa masuuliyadda korinta, barbaarinta, iyo xannaaneynta ubadka.
halka  Aabbuhu inta badan qaado masuuliyadda dhaqaalaha, ammaanka, iyo magac-dhowrka qoyska.

Ilmaha Soomaaliyeed waxaa lagu barbaariyaa in ay ixtiraamaan waalidka, kuna dhaqmaan amarkiisa.
Waalidku wuxuu ilmihiisa ku barbaariyaa diin, dhaqan, xishood iyo adeecid.
Xiriirka waalidka iyo ilmuhu wuxuu inta badan ku salaysan yahay iskaashi, ilaalin, iyo jaceyl dabiici ah.

dhinaca kale marka aynu ka eegno Diintu waxa,ay xoojisay xaqa waalidka oo leh mudnaan sare Qofka  muslimka ahna  waxaa waajib ka saaran yahay inuu waalidkiis u adeego, u duceeyo, qadariyo, uuna tixgeliyo.

Waalidka Soomaaliyeed wuxuu fure u yahay Horumarinta waxbarashada carruurta.
Xasilinta qoysaska,Ilaalinta dhaqanka suuban, Nabadeynta bulshada iyo kobcinta dad-wanaagga.

Waa in la xasuusnaado in waalidku yahay nimco, kaana mudan yahay mahadcelin maalin kasta.
sido kale waa in Carruurta lagu barbaariyaa ixtiraamka iyo adeecidda waalidka uu mudanyahay.
Bulshada Soomaaliyeed waa inay taageertaa waalidiinta gaboobay, gaar ahaan kuwa danyar ah.
Dhalinyaradu waa in ay waalidkooda ku abaalmariyaan naxariis, taageero iyo duco joogto ah.
Waalidku ma aha oo keliya dad ku dhalay, waa tilmaanta ugu horreysa ee noloshaada, waana hagaha ugu dhow ee aad nolosha la wadaagto waana in dhamaanteen aan maasuuliyad iska saarnaa oo ilaalinaa xaqa waalidku nagu leeyahay .

si aan wax badan uga ogaano mudnaanta Maalintaan iyo xiriirka waalida Soomaaliyed iyo caruurtooda ka dhexeeya ayaan waraysanay qaar ka mid ah dhalinyarada ku nool Magaalada Kismaayo ku waas oo isugu jira kuwo si dhamaystiran waalidkood ula soo koray iyo kuwo hal waalid la soo koray ayagoona muujiyay ixtiraamka iyo Jacaylka ay waalidkood u hayaan .Shirwac Cumar Ibraahim oo ka mid ah waalidiinta  Soomaaliyeed ayaa dhankiisa inooga waramay muhiimada xuska maalintaan u leedahay waalidiinta iyo iskuxirnaanta waalidka iyo caruurta ka dhaxaysa taas oo xoojinaysa ixtiraamka iyo Jacaylka waalidka .

Diinteena suuban waxaa ay meel sare gaaysay xaqa waalidka ku leeyahay u badkiisa waxaa sidaasi sheegay Siciid Cabduqadir Abukar oo ka mid Culimada Magaalada Kismaayo asagoo u waramay Idaacada Waamo.

Xamdi Maxamed Yaasiin ayaa warbixintaan inooga diyaarisay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here