Kismaayo(Idaacadda Waamo)-Maalintan oo la xusaa 30-ka Luulyo sanad kasta, waxaa lagu xusuustaa baaxadda iyo halista dambiyada tahriibinta dadka, iyadoo lagu baraarujiyo muhiimadda ay leedahay ilaalinta xuquuqda aadanaha.
Qaramada Midoobay waxay sanadkii 2013 u asteeysay maalintan si dunida loogu wargeliyo qatarta tahriibinta dadka
Tahriibka dadka waa mid ka mid ah dambiyada ugu waaweyn ee caalamka, kaddib ka ganacsiga daroogada iyo hubka sharci darrada ah. Waxaa la rumeysan yahay in sanad kasta ay tahriibaan in ka badan 25 milyan oo qof oo isku jira caruur haween dhalinyro
Dalkeena Soomaaliya waxa uu kamid yahay meelaha ugu daran ee ay ka jiraan xaalado sababa tahriibka dadka. Dhalinyarada ayaa si joogto ah loogu khiyaaneeyaa fursado been ah oo dibadda ah – iyaga oo xaaladooda dhaqaale iyo shaqo la’aanta loo adeegsado si lagu marin habaabiyo.
Waxaa hubaal ah in kumannaan Soomaali ah ay u safraan saxaraha, badaha iyo dhul aan sharci iyo amni toona lahayn si ay nolol ugu raadsadaan dalal shisheeye – kuwaasoo badankood la kulma khataro halis ah, sida gaajo, dhimasho, kufsi iyo xabsi.
Abdihakin Kadiye, waa khabiir ku xeel dheer arrimaha tahriibka, isla markaana ka soo laabtay dalka dibadiisa ayaa waxuu ugu warbixiy Halista uu leeyahay tariibka
Abaadir Abdirahman, waa guddoomiyaha ururka dhalinyarada degmada Kismaayo, ayaa si qoto dheer u iftiimiyay doorka ay dhalinyarada deegaanka ka qaataan ka hortagga tahriibka. Wuxuu xusay dadaalka joogtada ah ee ay wadaan si loo wacyigeliyo loogana hortago halista tahriibka. Abaadir ayaa dhalinyarada Soomaaliyeed ugu baaqay in ay ku hammiiyaan mustaqbal ka qurux badan oo ay ka dhistaan gudaha dalkooda, halkii ay naftooda gelin lahaayeen safarro halis ah oo tahriib ah.
Sheekh Sayid Cali Aadan oo ka mid ah culumada magaalada Kismaayo ayaa waxaa Iddaacada Waamo ugu warbixiyay wax ay diinta Islaam ka qabto tahriibka