Maalinta Caalamiga ah ee Fistulada oo Dunida laga xusay

0
7
Kismaayo(Idaacadda Waamo)-Maalintani waa fursad aan ku iftiiminayno dhibaatooyinka fistula, una hiilineyno dumarka ay saameysey cudurkan, isla markaana kor lagu qaado  wacyiga bulshada ee ku aaddan muhiimadda ay leedahay in la ciribtiro.
Fistula-da hooyada waa dhaawac caafimaad oo dhaca inta lagu jiro dhalmada, gaar ahaan marka dhalmadu ay adkaato ama ay qaadato saacado badan iyadoo aan la helin gargaar caafimaad.
Waxay keentaa in xididada kaadiheysta iyo mindhicirka ay dillaacaan, taas oo keenta in hooyadu  aysan  xakamayn karin kaadi iyo Saxarada
Maalinta oo kale ayaa kor logu qaadaa codka dumarka ay saameysey Fistula-da , una istaagno xuquuqdooda caafimaad iyo In la xoojiyo adeegyada caafimaadka hooyada iyo dhallaanka, gaar ahaan kuwa kunool Miyiga.
Abdinoor Samriye ayaa warbixintaan inooga diyaariyay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here