Maalinta Caalamiga ah ee Ciribtirka Fistulada Uureeyda oo Caalamka laga xusayo

0
213

Kismaayo(Idaacadda Waamo)-Sannad kasta 23-ka May, Waxa la xusaa maalinta caalamiga ah ee joojinta Fistula taas oo sare u qaadeyso wacyigelinta ciribtirida xaaladaan caafimaad. Hey’ada qaramada midoobay u qaabilsan caafimaadka ee loo soo gaabiyo WHO ayaa waxayna u abaabushaa taageero caalami ah oo loogu talagalay haweenka taas oo loogu talagalay in looga hadlo ciribjarida Fistulada.

Sanduuqa Dadweynaha ee Qaramada Midoobay (UNFPA) iyo la-hawlgalayaasheeda ayaa
bilaabay Ololaha dabarjarida Fistula sannadkii 2003. Hadafka dadaalladan iskaashiga ah ayaa ahaa in looga hortago fistula umusha iyo daaweynta dadka uu saameeyay. Sanadkii 2012,Qaramada Midoobay waxay ku dhawaaqday May 23-keeda inay tahay maalinta caalamiga ah ee joojinta Fistula-ka umusha. Xuskii ugu horeeyay ayaa la qabtay sanadkii 2013-kii.

Fistula umusha waa mid ka mid ah dhaawacyada ugu daran uguna naxdinta leh ee dhalmada.
Fistolada umusha waa dalool u dhexeeya marinka dhalmada iyo kaadiheysta ama malawadka, oo
ay keento fooshu daba dheeraatay, oo xanniban iyada oo aan la helin daawaynta tayada sare leh oo lagu sameeyo wakhtigeeda. Sida laga soo xigtay Ururka Caafimaadka Adduunka (WHO), fistula uurku wuxuu ku dhacaa ilaa 100,000 oo haween ah sannadkii. Inta badan haweenkan waxay ku nool yihiin saboolnimo.

Waxay haweenka ku reebta dhibaatooyinka kaadi-ceshad la'aanta, sidokale waxay u horseedaa xaalado caafimaad oo daba-dheeraada sida: Niyad-jab joogto ah, go'doon bulsho iyo saluug nafeed oo qoto dheer.

Nidaamyada caafimaadka iyo bulshooyinka ayaa hoos u dhacaya marka la dhammeeyo fistula, Takoorka jinsiga iyo faquuqidda bulshada ayaa abuuraya khataro dheeraad ah, taasoo keentay in fistula uu si aan u habboonayn uga dhex dhaco dumarka iyo gabdhaha saboolka ah, kuwa aan la adeegin iyo kuwa la haybsooco.

Abdinoor Samriye ayaa warbixintaan inooga diyaariyay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here