Maalinta caalamiga ah ee bani’aadannimada oo maanta dunida laga xusayo

0
7

Kosmaayo(Idaacadda Waamo)-Waxaa maanta oo kale caalamka laga xusaa Maalinta Bani’aadannimada Adduunka, taas oo la qabto 19-ka Agoosto sanad kasta. Maalintan waxaa loo asteeyay in lagu xuso shaqaalaha gargaarka bani’aadannimo iyo dadka ku naf waaya adeegga bani’aadannimo, isla markaana lagu muujiyo taageerada malaayiin qof oo dhibbanayaal ah caalamka.

Maalinta Caalamiga ah ee Bani’aadannimada waxaa la aasaasay kadib weerarkii ka dhacay magaalada Baqdaad ee dalka Ciraaq sanadkii 2003, halkaas oo lagu dilay shaqaale badan oo ka tirsanaa Qaramada Midoobay. Tan iyo waqtigaas, waxaa la go’aamiyay in 19-ka Agoosto loo hibeeyo xuska iyo qiimaynta shaqaalaha bani’aadannimo iyo dadka u baahan taageerada.

Xaaladda Soomaaliya:

Soomaaliya waa dal ay ka jiraan xaalado bani’aadannimo oo culus – abaaro, fatahaado, colaado, barakac iyo saboolnimo. Qaramada Midoobay iyo hay’adaha gargaarka gudaha iyo caalamiga ah waxay ka shaqeeyaan sidii dadka nugul loogu keeni lahaa gargaar. Barnaamijkan waxaan ku eegi doonaa sida xaaladda bani’aadannimo ee Soomaaliya ay u taagan tahay, iyo kaalinta ay bulshada Soomaaliyeed ku leedahay taageerada dadka dhibaataysan.

Xaaladda Bani’aadannimada Soomaaliya (2025)

* Sida ku xusan xogta Qaramada Midoobay (OCHA, 2025), in ka badan 6.9 milyan oo Soomaali ah ayaa u baahan gargaar bani’aadannimo iyo ilaalin.

* Kuwaas waxaa ku jira:

o 3.5 milyan oo carruur ah

o 2.1 milyan oo barakacayaal gudaha ah (IDPs)

o Dad badan oo ku nool miyiga oo ay abaaro iyo isbeddelka cimiladu ku dhuftee

2. Abaaraha iyo Fatahaadaha

* Soomaaliya waxay la daalaa-dhacaysaa isbedelka cimilada: abaaro daba-dheeraaday iyo fatahaado soo noqnoqda.

* 2022–2023 Soomaaliya waxay gashay abaar halis ah, taas oo barakicisay in ka badan 1.4 milyan oo qof.

* Fatahaadihii sanadkii 2024 ayaa sidoo kale saameeyay gobollada Shabeellaha Hoose, Hiiraan iyo Bay, halkaas oo guryo iyo dalagyo badan ay ku burbureen..

* Soomaaliya waxaa ku nool 2.1 milyan oo barakacayaal gudaha ah, kuwaas oo badankood ka cararay abaaraha, fatahaadaha ama colaadaha.

* Xeryaha barakacayaasha gudaha dalka waxay la daalaa-dhacaaan biyo la’aan, adeeg caafimaad oo yar, hoy xumo iyo tacaddiyo ka dhan ah haweenka iyo carruurta.

6. dhanka Caafimaadka iyo Waxbarashada.

* Adeegyada caafimaadka guud ahaan waa daciif; cudurrada faafa sida daacuunka iyo jadeecada ayaa weli halis ku ah bulshooyinka nugul.

* In ka badan 3 milyan oo carruur Soomaaliyeed ma helaan waxbarasho joogto ah sababo la xiriira barakac, saboolnimo iyo amni-darro.

Gudoomiyaha barakacayaasha Kaam badar 1 ee Magaalada Kismaayo sidii ayaa sheegay in dadka barakacaaysha ah aysan helin gargaar ku filan.

dhanka kale qaar ka mid bulshada kismaayo ayaan wax ka waydiinay doorka ururada bulshada Radiydka ah ee ku aadan ka qayb qaadashada howlaha gargaar ee lagu garab istaagayo dadka nugul .

si aaynu wax uga ogaano waxaa asalka u ah xaaladaha binaa’aadanimo ee dalkeena ka jira iyo sida looga bixi karo ayaan Barnaamijkaan ku waraysanay Dr Axmed Cabdi xarbi oo ah aqoonyahan iyo cimi baare asagoona sheegay in xalka ugu haboon ee looga bixi karo dhibaatooyinka Binaa’aadanimo ee dalka ka jira ay tahay in la hormariyo wax soo saarka dalka sida beeraha,kaluumaysiga iyo xoolaha .

 

Iidle Aadan Maxamed oo si si xilqaan ah uga shaqeeya arimaha gargaarka caawiyana dadka wajahaya xaaladaha adag ee dhanka Binaa’aadanimada ayaan dhankiisa Wax ka waydiinay sida uu u wajoho shaqadaan adag iyo waxaa ku dhaliyay .

Maalinta Caalamiga ah ee Bani’aadannimada waa maalin na xusuusinaysa qaddarinta shaqaalaha gargaarka iyo dadka la gargaaro. Soomaaliya, sida dalal badan oo kale, waxay la daalaa-dhacaysaa dhibaatooyin, balse wadajirkeena iyo isgarab istaageena ayaa horseedi kara in aan bulshada kaalmeyno. Haddaba, aynu maanta ka faa’iidaysanno in aan ku dhiirrigelinno iscaawinta, naxariista iyo garab istaagga dadka nugul.

Xamdi Maxamed Yaasiin ayaa warbixintaan inooga diyaarisay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here