Kismaayo(Idaacadda Waamo)-Maanta waa 17-ka September, oo dunida oo dhan lagu xuso Maalinta Caalamiga ah ee Badbaadada Bukaanka.
Maalin ay Qaramada Midoobay iyo Ururka Caafimaadka Adduunka (WHO) u asteeyeen sidii kor loogu qaadi lahaa wacyiga ku saabsan muhiimadda ay leedahay badbaadada bukaanka marka la adeegayo caafimaadka.
Mawduuca sanadkan 2025 waa: “Technology and Safety in Patient Care” – taasoo diiradda saaraysa sida tiknoolajiyadda iyo tababarka caafimaadka loogu adeegsan karo ilaalinta nolosha bukaanka.
Soomaaliya iyo Badbaadada BukaankaSoomaaliya, caqabadaha caafimaadku waa kuwo badan: qalab yari, dhaqaatiir kooban, iyo adeegyo caafimaad oo aan ku filnayn. Haddana, waxaa jira dadaallo la taaban karo:
Tababarro caafimaad oo lagu barayo sida khaladaadka daawooyinka looga hortago.
Isticmaalka tiknoolajiyadda sida diiwaannada caafimaad ee elektarooniga ah.
Ololayaasha wacyigelinta bulshada si ay bukaanku uga qayb qaataan daryeelkooda.
Badbaadada bukaanku waa mas’uuliyad ay wadaagaan dhakhaatiirta, kalkaaliyeyaasha, bulshada iyo bukaanka laftiisa.
Abdirahin Deck ayaa warbixintaan inooga diyaariyay.