Kismaayo(Idaacadda Waamo)-Ururka cunnada iyo beeraha (FAO) iyo hay’adda caafimaadka aduunka (WHO) waxay sanad walbo 7 bisha June xusaan maalinta caalamiga ah ee bad baadinta cuntada ama in la helo raashiin bed qabo.
Sanadkan hal ku dhiga wuxuu yahay “Raashiinka oo la tayeeyo waxay bad baadisaa nolol” waxaana laga wadaa in la hormariyo heer ahaan lana tayeeyo cunnada si loo bad baadiyo dadka cunnayaan dallaga beeralaha kasoo go’o.
Ujeedka maalintan la isugu imaanayo waxay tahay in qof walbo lagu dhiiri galiyo laga soo bilaabo qofka cunnada soo saaro ilaa midka iibsado ama adeegsado inay ilaaliyaan heerka tayeenta cunnada si loo yareeyo raashiinka lagu sumoobo oo dad badan sanad walbo u dhintaan.
Sida WHO shaaca ka qaaday 1,600 qof ayaa maalin walbo la xanuunsadaan raashiin aan bed qabin marka ay cunaan sidoo kale 340 caruur ah oo da’dooda ka hooseyso 5 sano ayaa maalin walbo u geeriyoodaan cunnada sumeesan waxaa kaloo intaas dheer in 200 qofood u geeriyoodaan maalin walbo xanuuno ay sababaan cunno aan bed qabin sida daacuun caloolaha iyo kansarka.
Xaalada dalkeena ka jirto waa mid u baahan wax ka qabasho madaama dad badan oo barakacayaal ah raashiin ku filan sidoo kalena nadiif ah aanan helin halisna ugu jiraan cuduro kala duwan oo raashiinka sumeesan sababaan inay ku dhacaan.
Dalkeena wuxuu u baahan yahay wacyi galin ku aadan in la helo raashiin bed qabo laga soo bilaabo cunnada lasoo dhoofiyo ilaa midda la beerto waa in laga war hayaa tayo ahaan heerkooda inta uu la eg yahay.
Xamdi Maxamed Yaasiin ayaa warbixintaan inooga diyaarisay.