Maalinka Qaxoogiga adduunka oo Kismaayo laga xusay

0
51

Kismaayo(Idaacadda Waamo)-Maalinta Qaxootiga Adduunka waa maalin caalami ah oo la xuso sanad walba 20-ka Juun waxaana loogu talagalay in lagu xuso laguna sharfo qaxootiga adduunka ka yimid,Maalintaan ayaa markii ugu horreysay la aasaasay 20-kii Juun, 2001, iyada oo la aqoonsaday sannad-guuradii 50-aad ee Heshiiskii Xuquuqda Qaxootiga ee 1951-kii.

Munaasabadan ayaa looga gol leeyahay in lagu aqoonsado laguna xoojiyo qaxootiga ka soo cararay iskahorimaadka iyo cadaadiska dalkooda iyagoo rajeynaya inay helaan meel ay ku noolaadaan ,maalinta Qaxootiga Adduunka waxay dhistaa fikradda fahamka dhibaatada taas oo muujinaysa adkeysiga iyo geesinimada .

Maalinta qaxootiga aduunka sidoo kale waxaa lagu xusaa usbuucyada qaxootiga aduunka waxaana loogu talagalay in gebi ahaanba la siiyo fursad muhiim ah magangalyo-doonka iyo qaxootiga in la arko, la dhageysto oo la qiimeeyo bulshada ay ku dhex nool yihiin.

Dadka lagu qasbay inay qaxaan badanaa waxay ku dhibtoodaan inay helaan dhakhtar markay jiran yihiin. Guryo ay degaan , waxay sidoo kale u dhibatodaan inay carruurtooda u helaan iskuullo ama xitaa meel ay ku ciyaaraan.

Cudurka faafa ee COVID-19 iyo mudaharaadyadii dhawaan cunsuriyada looga soo horjeeday waxay na tuseen sida ba’an ee aan ugu baahanahay inaan u dhisno adduun loo wada dhan yahay oo loo siman yahay,daqiiqad kasta 20 qof ayaa ka taga wax walba si ay uga baxsadaan dagaal, cadaadis ama argagax. Waxaa jira dhowr nooc oo dad si qasab ah loogu barakiciyay.

Qaxootigu waa qof ka qaxay gurigiisa ama dalkiisa sababo la xiriira “cabsi aasaasi ah oo laga qabo in la dhibaateeyo sababo la xiriira jinsigiisa, diintiisa, dhalashadiisa, xubin ka ahaanshihiisa koox bulsho oo gaar ah, ama fikir siyaasadeed”, sida ay qabto Qaramada Midoobay 1951 Heshiiskii Qaxootiga. Qaxooti badan ayaa dibad joog ah si ay uga badbaadaan saameynta masiibooyinka dabiiciga ama aadanaha.

Dadka magangalyo doonka ah ayaa sheegaya in ay yihiin qaxooti isla markaana ay ka  qaxeen guryahooda , laakiin sheegashadooda aqoonsiga qaxootinimo wali si rasmi ah horay loogama qiimeeyo wadanka ay u qaxeen waxaana lagu sameeyaa baaritaan kadib ayaana go,aan laga gaaraa.

Dadka Gudaha Ku Barokacay (IDPs) waa dad aan ka soo tallaabin xadka caalamiga ah lankin ay yihiin dad dalka gudihiis ku soo barkaya.

Dadka soo noqday waa qaxooti hore oo dib ugu soo noqda dalalkooda ama gobolladii ay asal ahaan ka yimaadeen,Qaxootiga soo laabtay waxay ubaahanyihiin taageero joogta ah iyo kaalmada dib udejinta si loo hubiyo inay noloshooda dib ugu dhisi karaan madaaba ay in mudo ah dalkooda ka maqnaayeen.

Qaxootiga ayaa kamid ah dadka ugu nugul adduunka. Heshiiskii Qaxootiga ee 1951 iyo hab maamuuskiisii 1967 wuxuu gacan ka geystaa ilaalinta xaquuqada qaxootiga.

waa habka kaliya ee sharci ee caalamiga ah ee si cad uga hadlaya dhinacyada ugu muhiimsan nolosha qaxootiga sida ku xusan  qodabada heshiiskiii 1951kii waxuu ka kooban yahay dhowr xaquuq waxuuna sidoo kale iftiiminayaa wajibaadka qaxootiga saraan dadalkooda marti loo yahay .
Abdinoor Samriye ayaa warbixintaan inooga diyaariyay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here