Lyon oo u soo baxday wareegga siddeeda ee Champions League

0
339

Turino(Idaacadda Waamo)kooxda Lyon ayaa iska xaadirisay wareegga siddeeda ee tartanka Champions League, kaddib markii ay ku soo baxday farqiga goolasha 2-2 ah, xilli kulanka caawa ay Bianconeri ku adkaatay 2-1.

Qeybta hore ee ciyaarta ayaa lagu kala maray barbardhac 1-1 ah ay isku dhaafi waayeen labada kooxood Juventus iyo Lyon.

Daqiiqadii 12-aad kooxda martida aheyd ee Lyon ayaa heshay rigoore waxaana gool u badelay laacibka reer France ee Memphis Depay, wuxuuna dheesha ka dhigay 0-1.

Balse daqiiqadii 43-aad Juventus ayaa markeeda heshay rigoore, waxaana gool u badelay weeraryahankeeda reer Portugal ee Cristiano Ronaldo, waxayna ciyaarta sidaas ku noqotay barbardhac 1-1 ah.

Qeybta labaad ee dheesha marka dib leysugu soo laabtay labada dhinac ayaa waxay soo bandhigeen qaab ciyaareed aad u wanaagsan, iyagoo sameeyay fursado badan ee goolal loo filan karay.

Daqiiqadii 60-aad Juventus ayaa hoggaanka u qabatay dheesha waxaana gool qurux badan dhex dhigay shabaqa kooxda Lyon Cristiano Ronaldo, ciyaarta ayaana sidaas ku noqotay 2-1 ay ku hoggaamineysay Juventus.

Ugu dambeyntii ciyaarta ayaa waxay ku soo dhamaatay 2-1 ay kaga adkaatay  Juventus kooxda Lyon oo marti ugu aheyd garoonka Allianz, laakiin kooxda reer France ayaa u gudubtay wareegga siddeeda kaddib markii ay ku soo baxday farqi goolal ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here