Luka Modric oo magacaabay xiddiga u qalma ku guuleysiga abaalmarinta Ballon d’Or-ka

0
292

Kismaayo (Idaacadda Waamo)-Xiddiga khadka dhexe ee kooxda Real Madrid ee Luka Modric ayaa amaan ugu qubeeyay weeraryahanka ay isku kooxda yihiin ee Karim Benzema, wuxuuna sheegay in xiddiga uu u qalmo ku guulaysiga abaalmarinta xiddiga ugu fiican adduunka ee Ballon d’Or-ka.

“Benzema waa Benzema! Weeraryahan iyo kubad sameeye isku dhafan oo hal ciyaaryahan isku ah, waxa uu leeyahay karti iyo awood sidoo kale waa dhamaystire cajiib ah”ayuu Luka Modric u sheegay Diario Sport.

“Waa mid ka mid ah kuwii ugu fiicnaa ee aan ka soo garab ciyaara, dabcan waxa uu u qalmaa in uu ku guulaysto abaalmarinta allon d’Or sababtoo ah aad ayuu u fiicnaa xilli ciyaareedkii dhamaaday”.

Karim Benzema ayaa soo qaatay xilli ciyaareed cajiib waxana uu dhaliyay 44 gool halka uu caawiye ka noqday 15 kale 46 kulan oo uu ciyaaray kooxdiisa.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here