Luka Modric oo heshiis cusub u saxiixay Real Madrid Kadib Guushii UCL.

0
238

Kismaayo-(Idaacadda Waamo)-Real Madrid iyo Luka Modric ayaa heshiis ka gaadhay in uu xiddiga khadka dhexe sii joogo kooxda hal xilli ciyaareed oo kale, Qaab ciyaareedkiisa cajiibka ah ee xilli ciyaareekan ayaa mar kale muujiyay in uu xiddigu u qalmo in uu sii joogo kooxda Real Madrid.

Wargayska MARCA ayaa sheegay in ay maamulka Real Madrid doonayaan in uu xiddigu sii joogo kooxda xilli ciyaareedka dambe.

Kooxda Real Madrid ayaa maalmaha soo socda ku dhawaaqi doonta heshiiska cusub ee xiddiga maadama uu haatandhamaaday xilli ciyaareedku, Xiddiga khadka dhexe ayuu heshiiskiisa Real Madrid ee haatan dhici doonaa dhamaadka xilli ciyaareedkan laakiin waxa ay u muuqataa in uu sii joogi dono kooxda.

Image

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here