Luis Suarez Oo Dhacdo Aan La Arag Xalay Ku Sameeyay Rudiger

0
461

England-(Idaacadda Waamo)-Weeraryahanka kooxda Atletico Madrid ee Luis Suarez oo waayihiisa ciyaareed oo dhan caan kusoo ahaa inuu dhibaateeyo daafacyada ayay markale xalay isku dhaceen daafaca Chelsea ee Antonio Rudiger.

Chelsea ayaa kulan adag oo lagu ciyaarayay garoon dhex ah balse xisaabsanaa garoonka Atletico Madrid guul 1-0 ah soo gaadhay waxaana ay goolka uga mahad celinayaan Olivier Giroud oo maqas cajiib ah ku kala dhantaalay.

Mid kamida dhacdooyinka ugu hadal haynta badan kulankaas ayaa ahaa in Suarez oo markii dambe si fiican muuqaalka ku celiska ahi u muujiyay uu bawdada ka qanjiidhinayo Rudiger.

Rudiger oo sida cad aan ka helin qaabka uu u dhaqmayo xiddiga ree Uruguay ayaa erayo dhawr ah ku yidhi iyagoo iskala tuuray oo isku dhacay kahor inta uusan garsooraha kulanku kala kaxayn.

Suarez ayaa taariikh weyn ku leh dhibaataynta xiddigaha kasoo horjeeda, waxa xusid mudan in sanadkii 2007 toddoba ciyaarood lagu ganaaxay kaddib qaniinyo uu u geystay Otman Bakkal oo PSV ka tirsanaa.

Kaddib markii uu Ajax ka tagay ee uu Liverpool u wareegay, Luisito ayaa markale 10 kulan la ganaaxay kaddib markii uu qaniinay haddana Branislav Ivanovic oo isla Chelsea ka tirsan sanadkii 2013.

Sanad kaddib markale 34 sano jirkan oo dhibkaas wada ayaa haddana koobkii aduunka ee 2014 qaniinay Giorgio Cheillini oo xulka Talyaaniga metalayay.

Nasiib wanaag Luis ayaan markale sidaas samayn tan iyo wakhtigaas balse waxa muuqata inuusan wali lumin jacaylka uu u qabo inuu jidh ahaan dhibo xiddigaha kasoo horjeeda.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here