Louis Van Gaal Oo Matthijs De Ligt Kula Taliyay 3 Kooxood Oo Uu Ku Biiro .

0
456

Kismaayo(Waamo Radio) Tababarihii hore ee kooxaha Barcelona  Bayern Munich Iyo Man United Louis van Gaal ayaa da,yarka aadka loo raadinayo ee Matthijs de Ligt kula taliyay una magacaabay 3 kooxood oo uu midkood ku biiro hadii uu ka tagayo kooxda Ajax marka la gaadho suuqa xagaaga dhamadka xilli ciyaareedkan.

Louis Van Gaal ayaa da,yarka Daafaca uga ciyaara kooxda Ajax ee Matthijs de Ligt kula taliyay in uu midkood ku biiro kooxaha Man City, Barcelona Ama Juventus marka uu furmo suuqa kala iibsiga xagaagu.

Daafaca reer Holland ayaa ku raaxaysanaya xilli ciyaareed cajiib ah oo uu la qaadanayo kooxda Ajax isga oo kooxdiisa ka caawiyay in ay gaadho 8 dhamaadka champions league waliba kabtan u ah kooxdiisa inkasta oo uu kaliya jiro 19 sano.

Kooxo badan oo reer yurub ah ayaa si aad ah u doonaya saxiixa xiddiga reer Holland xilli ay kooxda Barcelona hogaaminayso tartanka loogu jiro saxiixiisa.

Van Gaal ayaa magacaabay saddex kooxood oo uu De Ligt iyada oo arinta xiisaha leh tahay in uu ka reebay kooxahaas kooxdii uu horay tababaraha ugu soo ahaa ee Man United.

“De Ligt iyo Juventus? waxan u malaynayaa in uu De Ligt ka ciyaari karo tartan kasta”ayuu Van Gaal u sheegay Ziggo Sport.

“Horyaalka Seier A-du waa boqorada daafaca sidaas darteed waxa uu samayn karaa horumar fiican, hadii uu helo fursad uu ku tagi karo haku biiro Barcelona”.

“Waxa jooga daafacyo aan fiicnayn sidaas darteed waxa uu heli doonaa boos joogto ah ama ha tago kooxda Man City, uma malaynayo in ay sidoo kale kooxdaas haysato daafacyo fiican sidaas darteed waxa uu heli doonaa boos joogto ah”.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here