Loollanka loogu jiro saxiixa Raphinha oo sii kordhay iyo koox cusub oo hoggaanka u qabatay

0
133

Laacibka garabka uga ciyaara naadiga Leeds United ee Raphinha ayaa bartilmaameed u ah kooxo badan oo ka dhisan qaaradda Yurub sida Liverpool, Manchester United iyo Real Madrid, waxaana haatan kusoo biirtay kooxda Chelsea.

Sida laga soo xigtay majaladda Football Transfers, Blues oo gadaal kaga soo biirtay raacdada loogu jiro saxiixa Raphinha ayaa haatan hoggaanka u heysa doonista xirfadlaha naadiga Leeds inkastoo ay loollan adag kala kulmeyso kooxaha kale ee doonaya laacibkan.

Waxaa la aaminsan yahay in ciyaaryahanka reer Brazil saxiixiisa lagu heli karo kaliya 25 milyan oo euro haddii ay kooxdiisa u laabato horyaalka heerka labaad dhammaadka xilli ciyaareedkan.

25-sano jirkan ayaa qaab ciyaareed soo jiidasho leh ka sameynaya horyaalka Premier League isagoo dhaliyay sagaal gool labo kalena caawiyay 22 kulan oo uu horyaalka ciyaaray fasal ciyaareedkan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here