Liverpool vs Stuttgart – Kulankii ugu Horeeyay ee Isku Diyaarinta Xilli Ciyaareedka Labada Kooxood.

0
321

Germany-(Idaacadda Waamo) Kooxda Liverpool ayaa Caawa Bilaaban Doonta Kulamada ay isugu Diyaarineyso Xilli Ciyaareedka Cusub iyaga oo La Ciyaari Doonta Kooxda Reer Germany ee Stuttgart.

Liverpool oo Todobaadka Dambe Ciyaari Doonta Kulankeedii ugu Horeeyay oo Rasmi ah Ciyaari Doonto Lana Balansan Kooxda Arenal Kulan oo ah Kulan Ka Tirsan Koobka Community Shield-ka ayaa Doonaysa in ay isa sii tijaabiso.

Ciyaartoyda uu Hogaamiyo Tababare  Klopp oo Austria Ku Qaadanaya Tababarkooda isku Diyaarinta Xilli Ciyaareedka Cusub ayaa Bartamihii Bishan Bilaabay Tababarka Waxaana ay Haatan Muddo Todobaad ah Qaadanayaan tababarka Buuxo ee Kooxda.

Liverpool ayaa Caawa Kulankeedii ugu Horeeyay La Ciyaari Doonta Kooxda Stuttgart Kulanka ayaa ah Kulan Saaxiibtinimo ah oo ay Labada Kooxood Is balansadeen, Markale Caawa Tababaraha Kooxda Liverpool ayaa Wajihi Doono Kooxda Stuttgart oo uu Horey uwajihi Jirey Waqtigii Borussia Dortmund uu Tababaraha ka ahaa .

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here