Liverpool oo Xiddig ka dooneysa kooxda Leicester City

0
101

Kismaayo-(Idaacadda Waamo)-Liverpool ayaa isha ku haysa xiddiga Leicester City Kiernan Dewsbury-Hall si ay ugu xoojiyaan khadka dhexe ee kooxdooda.

Liverpool ayaa xiddiga reer England u aragta xiddig xoojin kara khadkeeda dhexe ee kooxda iyada oo Tababare Klopp uu doonayo in uu sii wado xoojinta khadka dhexe kooxdiisa.

Kooxda Liverpool ayaa la filayaa in ay  dalab ka gudbiso xiddigaasi kaas oo ay u arkaan badalka Jordan Henderson oo ka tagay kooxda

Liverpool ayaa la filayaa in ay saacadaha soo socda dalab ka gudbiso xiddiga kaas oo ay u arkaan badalka Jordan Henderson oo ka tagay kooxda Liverpool.

Xiddiga kadka dhexe ee Kiernan Dewsbury-Hall ayaa soo jiitay indhaha Jurgen Klopp isaga oo la dhacay dadaalka xiddiga reer England ee xilli ciyaareedkii hore.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here