(Champions League) Kooxda Liverpool oo Xalay Garaacday Kooxda Benfica 

0
322

Kismaayo-(Idaacadda Waamo)-Liverpool ayaa guul ka soo heshay kooxda Benfica oo ay booqatay kulanka lugta hore wareega siddeeda ee Champions League, kaddib markii ay kaga soo adkaatay 1-3, ciyaar ka dhacday garoonka Estádio do Sport Lisboa e Benfica.

Daqiiqadii 17-aad kooxda Liverpool ayaa hoggaanka u qabatay waxaana 0-1 ka dhigay Ibrahima Konaté kaddib markii uu ka caawiyay saaxiibkiis Andrew Robertson.

34 daqiiqo marka ay dheesha mareysay Sadio Mané oo ay caawin kaga timid saaxiibkiis Luis Díaz ayaa wuxuu ciyaarta ka dhigay 0-2 ay ku hoggaamineysay kooxda Liverpool.

Qeybta labaad ee dheesha marka dib leysugu soo laabtay labada dhinac ayaa waxay soo bandhigeen qaab ciyaareed aad u wanaagsan, iyagoo sameeyay fursado badan ee goolal loo filan karay.

Daqiiqadii 49-aad kooxda martida loo ahaa ee Benfica ayaa dhalisay gool waxaana ciyaarta 1-2 ka dhigay Darwin Núñez oo caawnin ka helay Rafa Silva.

87 daqiiqo marka ay dheesha mareysay Luis Díaz oo caawin ka helay saaxiibkiis N. Keita ayaa wuxuu hoggaanka u dheereeyay kooxdiisa Liverpool wuxuuna dheesha ka dhigay 1-3.

Ugu dambeyntii kulankii lugta hore ee wareega siddeeda ee Champions League ayaa wuxuu ku soo idlaaday 1-3 ay kaga soo adkaatay Liverpool, kooxda Benfica oo ay booqatay garoonka Estádio do Sport Lisboa e Benfica.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here